Fiidiyowga ayaa la soo rarayaa
Qoraalka hadalka
Somali
Gacaliyow Tiyoofilis, waxaan kuu soo qorayaa wax kasta sidey udheceen,
si aad u ogaato wixii aad maqasheey oo ku saabsana Duubanaha Ciise Masiixa inay run yihin.
Wakhtigii u boqor Kaysar Agoostoos u haystey Rooma,
boqor Heroodna uu wakiil ugu ahaa gobolka Yuhuudiya.
Illaah wuxuu u soo diray malakul Jabriil si ugu waxyoodo gabar la yidhahdo Maryan,
oo bikro ah, kuna nooleyd tuulada Naasareed.
Maryaneey, ha cabsanin, Illaah baa ku dortey.
Waad uureysan doonta oo aad dhali doonta wiil, Oo waxaad ku magacaabi doonta Ciise.
Alla, waxaan ahay bikro seen ku uureysanayaa?
Ruuxa Quduuska ah ayaa imaan
awoodda Illaah way kugu hagoogsami.
Cunugad dhali, wuxuu ahaan mid weyn, looguna magacbii "Wiilka Sareeyaha".
Kaddibna, Maryan waxaay booqatay ina adeerteed Elesebeet oo madhalays aheyd.
Illaahna mucjisadiisa ku uureysatay.
Elesebeedeey!
Maryaneey!
Ina adeer soo dhawoow!
Haween oo dhan baad ugu barakeysan tahay!
Welina waxaa barakeysan cunnuga aad siddo.
Bal Fiiri! Salaantaada markuu maqlay, farxad buu dhaqaaqay cunugga aan siido.
Qalbigeeygu Rabbiggu amaanaa!
Ruuxaygu ayaa ku faraxsan Illaaha Badbaadiyaha,
Waxay iigu magacdari doonaan umudda oo dhan tii Barakeysneyd!
Ogaysis, ogaysis! Dhammaan ragga reer Naasareedow,
amarka kasoo baxay boqor Kaysar Agoostoos, waxaa ka jiri doona tirikoob
dhammaan deegaannadda Galiila iyo Yudaaya.
Dadku waa inay iska diiwaan geliyaan asalka halka ay ka soo jeedaan!
Sidaa awgeed, Yuusuf wuxuu aaday tuulada Beytullaxam
ee ka tirsanayd Gobolka Yudaaya si ay isaga diiwaan geliyaan, isaga iyo Maryantii u doonayd.
Markay halkaas tageen, Beytullaxam meel ay ku hoydaan ayay waayeen.
Waxayna ku hoydeen moorada xoolaha, halkaas ayay cunugii ku umushay.
Habeenkaas meesha waxaa joogay ari’ jiro bannaanka Beytullaxam ari’gooda ku daajinaayeen.
Si kedis ah ayuu malaag ugu muuqday, Illaahna nuurkiisi ku iftimiyay dhinacyadooda.
Caawa tuulada Beytullaxam waxaa idiinku dhalanaaya Badbaadiyaha Duubanaha Masiix
oo Illaah balan qaaday inuu u soo diraayo dadkiisa oo dhan.
Isla markiiba ari’ jirtii Beytullaxam ayay tageen, waxayna arkeen cunugii dhashay oo dar dhax jiifa,
Illaah ayey ammaaneen, fariintii wanaagsanaydna ku naadiyeen inuu dhashay Badbaadiyaha dadka oo dhan.