Fiidiyowga ayaa la soo rarayaa
Qoraalka hadalka
Somali
Nabiyaalkii waxay saadaaliyeen inuu Eebbe soo diraayo Masiixa,
uuna dembiilayaalka ka badbaadinaayo, xiriirkoodana u soo celin doono xagga Eebbehooda.
Nolosha Sayid Ciise ayaa aad noogu cadeyneysa inuu runtii yahay Badbaadiyihii u balan qaaday inuu u soo diraayo addunka.
Ishacaya wuxuu u saadaaliyay inay gabar bikra ah uureysaneyso, wiilna dhali doonto.
Wayna noqotay. Illaah awoodiisa iyo kelmeddiisa,
Ruuxa Daahirka ah ayaa Maryan oo bikra ah ku haraaysmay wayna uuroowday.
Masiixuna sidaas ayuu ku dhashay.
Siday Qoraaladdu u sheegeen, dhalashadiisa waxay mucjiso sumad ah u noqotay Eebbe,
inuu wiilkaan yahay Masiixa, oo Eebbeheyna ugu magacabay "Wiilkeyga", haddana u dhow Eebbe xaggiisa.
Dadku markay Sayid Ciise arkeen, waxaa kalooy arkeen Eebbe awoodiisa iyo maamulkiisa.
Isagoo haddana u balan qaaday ummaddiisa rumeysa inuu boqortooyadiisa daa’inka ah kula waari doono.
Sayid Ciise wuxuu noloshiisa u hibeeyay silica ummadda oo dhan darteed.
Kaddibna wuu soo sara kacay. Runtii taas waxay cadaasay inuu ka guuleystay geeridda.
Duubanaha Ciise Masiix wuxuu yiri, "Waxaan leeyahay awood nolosheeyda aan ku hibeeyo, kulana soo sara kaco."
"Nolosha Ciise Masiix waxay ku rumowday sidii Nabiyaalkii hore u saadaaliyeen.
Waxay cadeysay inay run tahay ereyga Eebbe, oo waxba lagama bedelin,
siday nabiyaalkii hore u cadeeyeen "Rabbiyoow, ereygaagu waa dhab, oo waa daa’im."
Sayid Ciise wuxuu yiri, "Cirka iyo dhulkuba way dhammaan doonaan, laakiin eregkeygu ma dhammaan doono."
Eebbe markuu dhulka uumay Aadan iyo Xaawo si ay ula noolaadaan uguna rey-reyaan Eebbehooda.
Laakiin, iyagu way caasiyeen amarkii Eebbehooda. Ceebtaas darteed ayay Eebbehooda xiriirkoodi ku kala go’ay.
Qoraaladdu waxay cadeyaan inuu bini’aadanka oo dhan dembaaban oo abaalkoodu yahay dhimasho.
Dembiiliyaashuna xiriir lama lahaa Eebbeha quduuska ah.
"Laankinse, sida Eebbe ugu keenay wan kuna bedelay wiilkii Nebi Ibraahin,
inagana Eebbe Duubanaha Ciise Masiix wuxuu inoogu soo diray inuu dembigeena loo hibeeyo, uuna dhinto bedelkeeni.
Noloshiisa, dhimashaddiisa, iyo sara kacadiisa, waxay dib usoo celinaysa xiriirkii u dhaxeeyay Eebbe iyo ummaddii rumeysa."
Sidaas awgeed, kuwa Ciise Masiix xertiisa noqoda,
waxay ka badbaadayaan ciqaabta naarta daa’inka ah, Eebbehoodna kula waarayaan jannadda.
Sayid Ciise xertiisa wuxuu ku yiri,
"Daraadeey quruumaha oo dhan ugu naadiya farinta wanaagsan inuu Eebbe u dembi dhaafaayo
kuwa dembigooda ka towbada keeno oo aniga I rumeeyo."
si u u tuso jidka toosan uuna siiyo awood ay ugu dhaqmaan jidka Eebbe.
Markay naagti dembileeyda ahayd noqotay xerta Sayid Ciise Masiixi, wuxuu ku yiri,
"Dembigaagu waa laga cafiyay, waana laga badbaadiyay, waayo anigaad igu kalsoon tahay"
Waliba Sayid Ciise wuxuu kaloo yiri, haddii ay dadku Eebbe aad u jeclaadaan, waxay cadeyneysaa in dembigooda la cafinaayo’
Markuu dembiluhu iskutallabta saarna, oona awooda darida haysay, Sayid Ciise wuxuu ku yiri, "Manta jannadda ayaad ila joogi doontaa."
Kuwa ogolada inay xertiisa noqdaan waxay xiriirkooda ku bilaabayaan sida ducada taan…
Sayid Ciise Masiix wuxuu kaloo xertiisa u balan qaaday inuu u soo diraayo Ruuxa Quduuska ah,
Eebbeha naxariista badnayoow. Adigaa quduus ah, wax walbana adigaa ka sareeya.
Anigu waan ka xumahay amarkaagan diiday, waana kugu dembaabay.
Waad ku mahadsantahay inaad Sayid Ciise isoo dirto
kuna dhinto iskutallabta daradeey, kaddibna u dib u soo sara kaco.
Waxaan ku mahdinayaa silica iyo ciqaabta u maray aniga dembiiyadeeda daradood.
Waxaan dooneeya inaan noqodo Sayid Ciise xertiisa, isaguna noqoto Badbaadiyaheyga iyo Rabbigeygaba.
Waxaan ku mahadinayaa sidaad I cafisay oo boqortoyaadaada da’inka ah igu dartay.
Waxaan kaa baryeyaa inaad Ruuxa Quduuska ah ii hibeeyso, oo aad jidka xernimadaada I tusto.
Ruuxa Quduuska ah, ha I siiyo awood u qalbigeygu kugu jeclaado, oo an ku noolaado noolol aad raali ka tahay.
oo ummaddaha oo dhan, ku amaanaan meel kasta dunida ay joogan. Aamiin!
Sayid Ciise xertiisa wuxuu u sheegay, "Idhahayga codkeygay maqlaan. Anna waan afaana iyaguna way I soo raacaan."
Sayid Ciise Masiix xertiisa way kulmaan, maalin kastana way la hadlaan,
waxayna bartaan Qoraalada Eebbaha, waxay ku dhaqamaan jidkii Sayid Ciise,
waxayna u naadiyaan farrinta wanaagsan kuwa kale.
Sayid Ciise Masiix wuxuu xertiisa ku haga, kuna dhirigeliyaa jidka toosan kuna hibeeya awoodda Ruuxa Quduuska ah.
"Waxay maankooda ku haayaan murtidii Duubanaha Sayid Ciise Masiix,
xertiisuna wuxuu balan qaaday markuu daruurta sare ugu kacay isagoo leh,
"Eebbeheey wuxuu ii siiyay awood buuxda, ta jannada iyo dhulkaba lagu maamulo.
Xusuusnaada markaste waan idiinla jooga, illaa ay adduunyaddu ka dhamaaneyso."