Eebbe weynaa! Isaga awood sare leh.
Amman oo dhan isaga leh,
waayo Ereygiisu ka uumaay dadka, xayawaanka, cirka iyo dhulkaba.
Sammooyinku waxay soo bandhigaan weynantiisa,
ciirkuna wuxuu tusay siiday uu tahay farshaxan nimaadiisa cajiibka ah.
Wax kasta uu Eebbe sameyay way fican yihin.
Asalkiiba, Eebbe wuxuu uumay dhulka iyo dhammaan geedaha, xayawaanka, iyo uunka badda ku jira.
Eebbe dhoobada wuxuu ka qaabeyey ninkii ugu horeeyay.
Kaddibna sankiisuu ku afuufay neefta nolosha.
Qofkii ugu horeeyay waxaa loogu magacabay Abka-Aadan.
Kaddib Illaah wuxuu abuuray qof dumara si ay u noqoto wehel iyo xaski Aadan waxaana loogu magacabay Abooto Xaawo.
Illah Aadan iyo Xaawo wuxuu siiyay heybadiisa.
Awoodisana ka abuuray rag iyo dumar si ay u yeshan xiriir isaga udhow.
Ilaah agtiisa farxad ayay ku noolayeen beertii la oran jirey Eeden, maanay jirin silic iyo geeritoona.
Eebbe wuxuu Aadan ku amray, "Miraha geedaha beerta ku yaala oo dhan waad cunni kartaan, hal mooye,
haddii aad cuntaan mirahiisa waad dhimman doontaan."
Laakiinse, Iblaays ayaa Xaawo duufsaday inay mirahii Eebbe u diiday cunto.
Mirihii ayay soo goosatay wayna cuntay qaaybna ninkeeda ayay siisay, wuuna cunay.
Iyaga ficilkoodii xishooddararda ahaa ee adeeciddarradda, waxaa go’ay xiriirkii iyaga iyo Eebbeheena u dhexayay.
Eebbe waa daahir, qofaan daahir ahayn, ma la joogi karo.
Kaddib Illaah Aadan iyo Xaawo beerta Eedan bannaankeeda ayuu u soo saaray kana mamnuucay,
ceebna la dhibtoodeen, waayo Ilaahooda ayay ku xadgudbeen.
Taasi waxay abaalmarin u noqotay inuu faracooda xanuun iyo dhimasho dhaxlaan.
Laakiin, Eebbe ku talagalkiis wuxuu ahaa inuu noo cafiyo ceebta dembigeena.
Kaddibna wuxuu dadkiisa u diyariyey dariiqi u kusu celin lahaa xiriirka u dhaxeeyay isaga iyo inagoo ah faracii Aadan iyo Xaawo.
Qoraaladda Eebbe wuxuu noogu muujiyay ku talagalkiisa oo ah inuu bini’aadanka ka badbaadiyo, ciqaabta ay kasbadeen,
kana cafiyo dembiga iyo ceebta aay geysteen si ay dib ugu noqdaan xiriirkii wanaagsana ee u dhexeyay.
Eebbe wuxuuu biriq u ugu talagalay u muujiyay Nebi Ibraahin.
Nebi Ibraahin Eebbehiisu rumaystay wuuna isku haleyay.
Eebbe wuxuu Nebi Ibraahin ugu ballan qaaday inuu barakeeyo qaramadda adduunka oo dhan dartiisa.
Wuxuu kaloo u balan qaaday inuu faraciisa badiyo sidii ciidda badda,
iyo xiddigaha saammadda oo kale
Nebi Ibraahin Ilaahiisuu rumaystay.
Kaddib Illaah wuxuu ka dhigtay adeegihiisa xaqqa ah, wuxuuna ugu magacabay "Saaxibka Ilaah".
Maalin ayuu Eebbe ku amray Nebi Ibraahin inuu wiilkiisa u gowraco, si uu u jarribo Nebi Ibraahin rumaysidkiisa iyo dhaqankiisa.
Nebi Ibraahin wuxuu ogaa inuu yahay wiilkaan keligiis Eebbe ugu ballan qaaday inuu faraciisa u badinaayo dartis.
Haddana Eebbisuu rumeystay ereygiisina ku dhaqamay.
Sidaas awgeed, Nebi Ibrahin wuxuu isku diyaariyay inuu Eebbihii u gowraco wiilkiisa.
Laakiinse Eebbe wuxuu ku yiri,
"Ibraahinoow, wiilka ha dhaawicin!
Haddaan waan ogaahay inaad iiga cabsato oo aad diyar u tahay inaad ereygeeyga ku dhaqantid."
Kaddibna, Nebi Ibraahin hortiisa ayuu ku arkay wan geeso leh oo duurka ku jira.
Wankan Eebbe u keenay ayuu soo qabsaday, bedelkii wiilkiisa ayuu u sooriyeey Eebbe.
Markii Eebbaha naxarista badan, u ku bedelay wiilkii Nebi Ibrahin wankii, tusayna inuu ka jecel yahay Nebi Ibrahin iyo dadka oo dhan.
Waxaa kale oo u muujiyay ku talagalkiisa inuu keeni doono sooriyadii ugu dembeysay bedelkii bini’aadamka.
Eebbeha naxariista badan leh wuxuu horey Kitaabkiisa Daahirka ah ugu mujhiyay,
inuu soo diraayo qof daahir ah oo u dhinto bedelka bini’aadamka dembigooda,
si loogu cafiyo dembiyadooda iyo ceebtoodana loona asturo.
Dhimishidiisu waxay dib u soo celisay xiriirkii Eebbe.
Rasuulladdii waxay horay qofkaasi ugu magacdaareen "Duubanaha Masiixa".
Waxayna saadiliyeen Eebbe inuu soo dirayo wiilkiisa Duubanaha Masiixa
oo ummaddoo dhan badbaadin doona Eebbahana la wadaagi doono talada.
Rasuuladdii hore waxay saadaaliyeen wax badan oo ku saabsan hawsha Duubanaha Masiixa iyo waxayabaha ku dhici doona ee kahoreya.
Nabi Dauud wuxuu saadaliyay in Eebbe ku cadayn doono inuu Masixu yahay willkiisa.
Rasulledii hore Masiix waxay sarbeeb ugu magacabeen "Wiilka Eebbeheey",
waxay ahayd inay tusaan ummadda Duubanaha Masiix xiriirku ugu dhaw la leeyahay Eebbe, kii gacantiisa midigta aha Eebbe.
Xilkisuna wuxuu tusaa hawsha Baadbadinta iyo Boqortinimada addunka.
Rasuul Ishacaya wuxuu u saadaaliyay gabar bikro ah inay uuroobeyso oo wiil dhali doonto.
Rasuuladdii waxay saadaaliyeen inuu Masiixa ku dhalan doono tulada Beytullaxam.
oo ku soo geli doono Yeerusaleem dameer sida suldaan oo kale
oo mid ka mid ah xertiisa ugu dhaw inuu ku shirqooli doono soddon sunnuud oo qalin ah.
Nabiyadii waxay saadaliyeen inuu Masiixa naftiisa sooryo u hibeeyn doono, dhimashaddana ayuu ka sara kicin doona.
Rasuul Daanyeel Masiixa wuxuu ugu magacbayay "Wiilka Aadanaha", daruuraha dhexdooda ayuu kor u baxaay illaa iyo jannadda.
Illaahna siinaayo awood weligiisa uu ku maamulo ummadda adduunka oo dhan sii daa’iima.
Sayid Ciise labba kun oo sanno ku hor ayuu adduunka ku noolaa.
Markii ay dadkii arkeen mucjisoyiinkii u sameynayay, waxay la yaabeen oo ninba ninka kale ayuu weydiinayeen,
inuu u yahay Duubanaha Masiixa iyo in kale?
Nolosha Sayid Ciise Masiix waxay u ekayd sidii ay u saadaaliyeen nebiyaalkii oo ahayd Duubanaha Masiixa siduu ku noolaa?
Filimkaan wuxuu na tusinayaa noloshii Sayid Ciise Masiix, waxay ku qoran tahay Kitaabka Injiilka ah.
Filimkaan jilaa ayaa kaalintii Sayid Ciise Masiix matalaya.
Inkastoo uusan istalin kaliintaas inuu matalo, waase la sameeeyay,
sidaas darideed waxaa muacquul ah inaan fahanno kaana faa’iiideysanno nolosha Sayid Ciise Masiix.
Gacaliyow Tiyoofilis, waxaan kuu soo qorayaa wax kasta sidey udheceen,
si aad u ogaato wixii aad maqasheey oo ku saabsana Duubanaha Ciise Masiixa inay run yihin.
Wakhtigii u boqor Kaysar Agoostoos u haystey Rooma,
boqor Heroodna uu wakiil ugu ahaa gobolka Yuhuudiya.
Illaah wuxuu u soo diray malakul Jabriil si ugu waxyoodo gabar la yidhahdo Maryan,
oo bikro ah, kuna nooleyd tuulada Naasareed.
Maryaneey, ha cabsanin, Illaah baa ku dortey.
Waad uureysan doonta oo aad dhali doonta wiil, Oo waxaad ku magacaabi doonta Ciise.
Alla, waxaan ahay bikro seen ku uureysanayaa?
Ruuxa Quduuska ah ayaa imaan
awoodda Illaah way kugu hagoogsami.
Cunugad dhali, wuxuu ahaan mid weyn, looguna magacbii "Wiilka Sareeyaha".
Kaddibna, Maryan waxaay booqatay ina adeerteed Elesebeet oo madhalays aheyd.
Illaahna mucjisadiisa ku uureysatay.
Elesebeedeey!
Maryaneey!
Ina adeer soo dhawoow!
Haween oo dhan baad ugu barakeysan tahay!
Welina waxaa barakeysan cunnuga aad siddo.
Bal Fiiri! Salaantaada markuu maqlay, farxad buu dhaqaaqay cunugga aan siido.
Qalbigeeygu Rabbiggu amaanaa!
Ruuxaygu ayaa ku faraxsan Illaaha Badbaadiyaha,
Waxay iigu magacdari doonaan umudda oo dhan tii Barakeysneyd!
Ogaysis, ogaysis! Dhammaan ragga reer Naasareedow,
amarka kasoo baxay boqor Kaysar Agoostoos, waxaa ka jiri doona tirikoob
dhammaan deegaannadda Galiila iyo Yudaaya.
Dadku waa inay iska diiwaan geliyaan asalka halka ay ka soo jeedaan!
Sidaa awgeed, Yuusuf wuxuu aaday tuulada Beytullaxam
ee ka tirsanayd Gobolka Yudaaya si ay isaga diiwaan geliyaan, isaga iyo Maryantii u doonayd.
Markay halkaas tageen, Beytullaxam meel ay ku hoydaan ayay waayeen.
Waxayna ku hoydeen moorada xoolaha, halkaas ayay cunugii ku umushay.
Habeenkaas meesha waxaa joogay ari’ jiro bannaanka Beytullaxam ari’gooda ku daajinaayeen.
Si kedis ah ayuu malaag ugu muuqday, Illaahna nuurkiisi ku iftimiyay dhinacyadooda.
Caawa tuulada Beytullaxam waxaa idiinku dhalanaaya Badbaadiyaha Duubanaha Masiix
oo Illaah balan qaaday inuu u soo diraayo dadkiisa oo dhan.
Isla markiiba ari’ jirtii Beytullaxam ayay tageen, waxayna arkeen cunugii dhashay oo dar dhax jiifa,
Illaah ayey ammaaneen, fariintii wanaagsanaydna ku naadiyeen inuu dhashay Badbaadiyaha dadka oo dhan.
Maalintaas sideeddaad dhalashadii cunuggii kaddib, waa la guday,
Yuusuf iyo Maryan waxay cunugii geeyeen Macbudkii Yeruusaaleem, si ay naftiisa Illaah ugu hibeeyaan.
Macbudka waxaa joogay wadaad caalim ah, lana dhihi jiray "Simcuun".
Ruuxa Quduska ah wuxuu u cadeeyay inuusan dhimaneynin intuu ka arkaayo Boqorka Duubanaha Masiix.
Illaaheeyoow, balantii aad iga qaaday waad ii oofisay, hadda kaddib adeegahaaga ofso.
Indhahaygu waxay arkeen Badbadiiyaha.
cunagaan Rabbiba dortay
Rabbigu ha idiin barakeeyo!
Kaddib markay sharcigii Illaah ka rabay guteen, ayay ka tageen Yeruusaaleem
Muddo kaddibna u soo noqdeen tuladoodi Naasared.
Markii wiilka Ciise toban iyo labo jirsaday, ayaa Yuusuf iyo Maryan u soo wadeen Yeruusaaleem
iidda Furashada reer Binii-Israa’iil lana yiraahdo "Idda Kor Marista ee Pasax".
Markey iidii ka soo noqdeen waxay u maleyeen inu Ciise la socoday
qarabada safarkooda, laakiin Yeruusaaleem ayuu ugu soo haray.
Markay wayeen ayay Yerusaleem dib ugu soo laabteen raadiyeena.
Maalintii saddexaad ayay macbudka ka heleen, isagoo caalimiinta diinta reer binii Israa’iil la socoda.
Waayo cunugaan xigmadda leh, halkee buu nooga yimid?!
Wiilkaan waa reer Naasereed.
Inuu nala socoday baan mudnay.
Ka raali noqda qaskiisa!
Qofkastoo hadalkiisa xigmadda leh maqlay wuu la yaabay.
Wiilkeygiyow, maxaad sidaan noo yeeshay? Anagu aad ayaan kugu murugonay, sidaan kugu heli lahayn!
Maxaad ii raadineysaan? Ma ogidiin miyaa in aan gurigii Aabahey hawl ka hayo?
Waalidkiisa ayuu ula noqday Naasareed, wuxuuna ku barbaaray xigmadda Illaah iyo dadkii dhaqanka wanaagsan lahaa.
Sannadkii shan iyo tobnaad ee Boqor Kaysar Tiberiyus,
Markuu Bilaatus gudoomiya ka ahaa gobolka Yuhuudiya,
Boqorka Heroodna ka talinaayay gobolka Galiili,
Kayaafas iyo Anasna ahaayeen hogaamiyayaasha diinta, Ayaa codkii Illaah Nebi Yaxye meel ban ah ugu waxyooday,
wuxuu maray webiga Urdun, isagoo dadka ku wacdinaayay in lagu biyo daahiriyo
si calaamad ugu naqoto inay dembigooda ka towbad keenaan.
Dembiyaalkiina ka towbad keena!
oo biyo ha laydiin ku daahiriyo!
Illaah dembigiina wuu dhaafayaa!
Sida horaba logu saadaaliyay kitaabka rasuul Ishacaya.
Cod nin ayaa ka yeeraayo meel ban ah, oo leh,
"Jidka u diyaariya Rabbigga imaatinkiisa!
Jidka isaga ku soconayo, toosiya!
Dooxo kastana, buuxiya!
Taag iyo buur walba, simma!
Jidka mermerka, toosiya! Jidka rafka ah, simma!
Ummadda oo dhan waxay arki doonaan,
Illaaha Badbaadantiisa!
Nabiyow, maxaa nala faray?
Haye, noo sheeg maxaa nala faray?
Idiinka ilmo abeesooy!
Maxaa nala faray anaga?
Jahadeen aadna, na caawi!
Haddii adigu aad go’ leedahay
siida logu faray sii
kan waxaba haysinin.
Kii cunto haysta hala qaybsado dadka.
Nabiyow,
Annagu canshuur qaadiyaal baan nahay
Maxaa nala faray?
Canshuurtii leydinku amray ka badan ha qaadiina.
Annaga askarteena?
Maxaa nala faray?
Qofna maalkiisa ha ka xoogina
Qofna biladembi ha ku nabina.
Mushaharkiina ku qanca
Noo sheeg! Adigu Masiixa Duubanaha miyaad tahay?
Anigu biyo ayaan idiinku daahirinaya,
Laakiinse waxaa imaan doona qof aniga iga muhiimsan
Oonan iistahilin inaan kabahiisa furo. Isagu wuxuu idiinku daahirin doona dab iyo Ruuxa Quduska ah.
Shabbis karoorka waa diyaar si ay ugu tuman baalka qamadiga, kaddibna bakhaarka u geyan.
Ruuxa Quduuskana wuxuu ku soo degay Sayid Ciise isagoo qaab qooleeya leh.
Cod ayaa sammadda ka yeeray oo leh, "Adigu waxaad tahay Wiilkeyga. Aad baan kugu qanacsanahay."
Duubanaha Sayid Ciise Masiix markuu soddon sanno gaaray ayuu hawshiisa billaabay.
Markii lagu biyo daahiriyay wuxuu ku soo laabtay webiga Urdun,
isagoo Ruuxa Quduska ah u hibeeyay uuna hogamiyay meel ban ah.
Afartan maalmood ayuu Ibliiska jaribay, waxbna muusan cuunin.
Codka Ibliiska wuxuu ku yiri Sayid Ciise:
Haddii adigu wiilka Illaah tahay, dhagaxan u bedel kibis.
Way qoran tahay,
In dadka kibis keliya u noolaan se Erayga Illaah ku nooladaan.
Kaddib Ibliiskii ayaa Sayid Ciise kor u qaaday, wuxuuna tusay boqortooyooyinka dunida oo dhan, kuna yiri:
Waa adiga kan aan siinayo weynaanta iyo taajirnimadan dunida oo dhan.
Anigaa ayaa la I wada siiyey, inaan kii aan rabo siiyo.
Haddii aad aniga I caabudid, boqortooyada dunida oo dhan, adigaan ku siinayaa.
Way qoran tahay in Rabbigga Illaaha oo keliya la caabudo.
Oo isaga la adeeco.
Kaddib Ibliiskii ayaa Sayid Ciise u qaadey Yerusaleem,
halka ugu saraaysa ee macbudka ayuu saaray, kuna yiri,
Haddii Wiilka Illaah tahay, halkaan iska tuur!
Maxaa yeelay way qoran tahay, ‘Malaa’igtiisana ku amri doonaa
inay adiga ku dhawraan oo ay kuu sacabo hooriyaan, cagtaadana dhagax gaarin’.
Way qoran tahay,
Inaadan Rabbigga Illaaha ah jirabi karin.
Jiribaadii Ibliiska kaddib, Sayid Ciise wuxuu ku soo laabtay tuuladii uu ku barbaaray ee Naasareed.
Iska warran!
Waa nabad!
Maalintii nasashada reer Binii-Israa’iil wuxuu aaday sidii caadada ahayd barkulanka reer Binii-Israa’iil.
Loguna yeeray inuu akhriyo qeyb ka mid ah Rasuul Ishacya:
Ruuxa Rabbiga ayaa I kaalmaynaya,
wuxuu ii doortay inaan u naadiyo farriinta wanaagsan masaakiinta ah.
Wuxuu ii soo diray inaan naadiyo kuwa xiran siina daayo, indhoolayaashana arragooda u soo celiyo.
Inaan xoreeyo kuwa la cadaadinaayo,
Oo uguna naadiyo wakhtigii Rabbigga badbaadin lahaa dadkiisa.
Si wanaagsan ayuu u akhriyay!
Qoraalaka Quduuska ah, maanta way rumoowday, sidaad u maqashan ee loo akhriyay.
Saadaashani miyey rumooday?
Laakiin Duubanaha Masiixa oo keliya ayaa fulin kara qoraalkas!
Sidee ku ogaan karnaa in qoraalkan u fulay?
Anaad ii maahmaahi doontaan,
Dabiibow, adiguba is dabiib!
iguna dhihi doontaa,
Hadda mucjiso ku samee tuladaada sida tii magalaadda Kafarna’uum
Dhageysta,
Weligeed Nebi tuladiisa lagama soo dhaweynin!
Ereyadaan Sayid Ciise isku cadeyay inuu yahay Masiixa,
oo Illaah u madax duubay, una soo diray inuu dadkiisa badbaadiyo.
Laakiinse, reer binii Israa’iil qaarkood weydiiden inuu Duubanaha Masiixa yahay.
Intay qabteen ayay jiideen, rabeena inay qar ka tuuraan ooy dilaan.
Oo way u noqon weysay, laakiin, dhexdooduu maray, wuuna ka tagay.
Kaddib wuxuu tagay magaaladda Kafarna’uum oo ka tirsaneyd gobolka Galiilya.
Wakhtigaas ciidanka Roomanka ayaa waddanka Israa’iil haystay
boqorkii Roomanka oo dunida ugu talinaayay xoog inuu ku xukumo ayaa reer Binii-Israa’iil haystay.
Sidaas darteed iyagu waxay u baahdeen badbaadiyaha Duubanaha Masiixa si ay uga xoroobaan addoonsiga.
Nabad korkiina ha ahaato!
Sayidoow, sido kale!
Doontaada ma isticmaali karaa, Simoonow?
Dabcan!
Nagama tegaayo sow ma aha?
Nala hadal! Nala hadal!
Oo nala hadal!
Ciisoow, nala hadal!
Maalin ayaa labban nin tageen macbudka si ay ugu bariyootamaan.
Mid wuxuu ahaa Faarisi, kan kalena canshuur qaade.
Faarisigu keligii intuu istaagay ayuu baryotamay
"Illaahoow, adaan kugu mahdinaya anigu ma ihi bakhey lama qiyaanoole ama macsiile sida dadka kale.
Waxaan kugu mahdinaayaa inaan ahayn sida canshuur qaadahaas oo kale."
Asbuucii laba jeer ayaaan soomaa,
Waxaanna ku siiyaa toban meelood meel dakhligeyga".
Laakiin canshuur qaadahihii wuxuu ka istaagay meel fog wejigiisana kor uma jeedin,
xabadkiisuu garaacay yirina, "Illaahoow, ii naxariiso, anigu dembiile ayaan ahaye!"
Waxaan idiin sheegaya canshuur qaadahas ayaa Illaah ka raali noqday oona xaggiisa xaq ku noqday.
Qofkii isa saraaysiiya, waa la hoosaysiinaya,
oo kii is hoosaysiyana waa la saraaysiinaya.
Doonta u riix xagga moolka.
Adiga iyo wehelkaaga shabaqiina biyaha ku rida si kalluun u qabsataan.
Alla, macallinoow! Caawa oo dhan si aad ah ayaan u hawlgalnay
Waxna ma soo qabanin.
Laakiin haddii aad adigaa tiri
Shabaqyadaan ku rideeyna!
Yacquubow!
Yoxaanoow!
Yacquubow! Yoxaanow! Kaalaya halkaan! Na caawiya.
Ma awoodno, waan mashquul sanahay!
Doomaha way degi doonaan!
Sayidoow, iga fagow
Anigu dembiilayan ahay.
Ha cabsanin
Kallun ma dabi doonti ee waxad dabi dad.
Ii imaada, hadalkeyga dhageysta! Illaah nolosha runta ah ayaad ka heleysaan.
Illaaha dhageysta intuu idiina hadlaayo, raadraadiya wuu naxariis dhawyahaye,
qofkasta dembiga ha iska dhaafo, wax shar ahna yaysan ku fikirin.
Qofkastana Rabbigga ha u towbad keeno.
Naxariis, nabad, dembi dhaaf iyo farxad ayaad Illaah ka heleysaan oona ku noolaaneysaan.
Fiiri wuu soo socoda! Waa kaan!
Sayid Ciisoow! Ciisow!
Badbaadi gabarteyda oo keliya!
Sayidoow, ii naxariiso.
Way dhimaneysaa, waana toban iyo laba jir. Isoo rac. Fadlan, fadlan!
Yayrasoow, waan ka xumahay!
Ciisoow!
Gabartaaydu mar horey geeriyootay. Ha dhibin mar kale Macallinka.
Ha cabsanin ii rumayso
way soo noolaaneysaaye.
Ha u barooranina,
Ma aysan dhimman, wey hurudaa.
Yariisey,
soo noolow!
Sii waxay cunto
I dhageyso, Ciidna ha uu sheegin waxa halkan ka dhacay.
Markaa kaddib Sayid Ciise wuxuu arkay canshuur qaade la yira Matayos Laawi,
oo fadhiya kadin kairrida cashuurta lagu uururiyo.
Xirteyda noqo.
Sayid Ciisena wuxuu aaday taag sare xaggeeda, habeenkaas oo dhan wuu baryotamayey.
oo markii uu waaga uu baryay wuxuu ka doortay laba iyo toban xer.
Wuxuuna kadhigay uuna magacbay "Rasuulo". Kuwaasi waxay ahaayeen...
Simoon, oo loogu magac daray "Butroos…."
Andiroos, oo Butroos walaalkiisa,
Yacquub
Yoxaana
Filiboos
Bartolomiyos
Matayos
Toomas
Yacquub ina Alfaayoos
Simoon oo la dhihi jiray "Waddani"
Yuudas, ina Yacquub.
Iyo Yuudas ina Iskariyoot oo ugu dembeyntii Sayid Ciise gacan geliyay.
Masaakiintow, waad barakeysnaneysan Boqortooyadda Illaah idiinka leh.
Baahanyaashow, waad barakeysnaneysan, waana dhergi doontaan
Baroortayaashow, barakeysnanada, waa qosli doontaan.
Kuwiina darteey loo diiday, nacay, loona ceebeyey, oo Wiilka Aadanaha dartiisa loo shareysanaayo, ayaa barakeysan.
Farxa, rey reya, Ciyaarana markay dhacdo.
abaalmarin aad u weyn ayaa la idiin ku keydiyay jannada.
Sinjigoodii hore ayaa nabiyadda sidaan oo kale uu soo silcin jirey.
Toban iyo lex, toban iyo todobo toban iyo sideed, toban iyo sagaal...
labaatan… intaan leen ba heeysta.
Isii baaqiga lacata!
Taajiriintow, waad halaagmi doontaan!
Horey ayaad u soo raaxeysateen.
Yaan rabin inuu taajiro? Qofkasta wuu rabaa inuu taajir noqdo!
Raxastayaashow, waad halaagmi doontaan,
ugu dembeyntii waadna barooran doontaan.
Kuwiina la amaanayo, waad halaagmi doontaan!
Sinjigoodii horeyna waxay ammaani jireen nabiyaadii beenta ahaa.
Waxaanse idiin sheegaya kuwiina I maqlow,
Cadawgiina jeclaada
Kuwa idiin neceb wax fiican u sameeya
Kuwa idiin inkaarana, u duceeya
Kuwa idiin xumeyana, Illaah u barya
Haddii qof kaa dhirbaaxo dhabanka,
Dhabanka kalena u dhig.
Haddii qof go’aaga qaato, shaarkaagana ugu dar.
Qofkasta oo wax kaa barya, sii
Qofkii waxaaga qaata,
Dib ha u weydiinin.
Dadka kale u samee, Saad rabto inay kuu sameeyaan.
Haddii aad jeclaato kuwa idiin jeceyl oo keliya,
Maxaad ku barakoobeysaan?
Dembiilayaalkuba way jecelyihiin kuwa jeceyl.
Haddaad wanaajisaan kuwa idiin wanaajiya
Sidee Illaah iyo dadka kale raalli idiinka noqonaayaan?
Maya, dembiilayaakuba sidaas ayay sameeyaan.
Uf! Sidee buu u taaban karaa?
Sidee buu ula hadli karaa iyadda?
Uf! Uf!
Maya,
Jeclaada cadawgiina
u samey wax fiican
Waxna amaahiya idiinkoon ka sugeynin gudis
Haddii aad sidaas sameysaan ajarkiina ayaa weynaanaaya
Waxaad noqoneysaan caruurta Kan Illaaha ugu Sareeya.
Illaah wuu u roon yahay kuwa u mahdiya iyo kuwa sharta ahba.
Naxariis lahaada,
Sida Aabihiin idiinku naxariisto.
Sayidow, na badbaadi!
Ha xukuminna, yaala idiin xukumine.
Ha eedeynina,
yaala idiin eedeynine.
Cafiya,
Si lay idiin cafiyo.
Rabbiyoow, jidkaaga nagu hag!
Siiya, waa la idiin siin doonaaye.
Qiyaasta aad dhiibtaan, ayaa la idiin siin doonaaye.
Nin indhoole ah, ma hagi karo nin indhoole kale ah.
Haddii uu sidaa yeelo, labadooda sow god kuma dhacaayaan.
Tifka ishiisa ku jira maxaa ku tusay, oo ugu jeedin tiirka ishaada ku jira.
Sayidoow, na hag!
Rabbiyoow, hadda ayaan kuu baahan nahay!
Hooyaddii ku dhashay kuna nuujisay, ayaa barakeysan!
Weliba waxaa aad u barakeysan kuwa Illaah Ereygiisa maqla kuna dhaqama.
Waan jeclaan lahaa inaan ninkan barto.
Ma u maleyneysaan inuu Duubanaha Masiixa Yahay?
Wadaadkan diinta wuxuu Sayid Ciise ugu martiqaaday inuu la casheeyo.
Wuxuuna aaday gurigiisa uuna fariistay inuu wax la cunno.
Caruuryahay, martidaan ka taga!
Waad I maqashaan,
Baxa!
Caruurtaan way dhib badnaayeen, laakiinse way ficanyihin.
Maxay halakaan ka sameyneysaa naagtani?
Ma ogi!
Uf! Maxaay halkaan ka sameyneysaa?
Haddii ninkaan uu runtii Nebi yahay wuxuu ogaan lahaa naagtaan isaga taabatay.
Wuxuu ogaan lahaa nooca dembiga ay ku nooshahay.
Simonow, waan ogahay nooca ay qoftaan tahay,
Wax yar aan kuu sheego.
Waxaa jiray laba nin oo lacag nin damiyey.
Mid wuxuu ku lahaa shan boqol sumuuni mid nah konton.
Midna iskama gudi karrin…
Kaddib wuu dhaafay deyntii.
Midkeebaa aad u jeclaanaaya?
Waxaan u maleynaa ka deynta badan loo cafiyay.
Waad saxan tahay.
Ma arkeysaa iyaada?
Waxaan imid gurigaaga.
Lugo dhaqashona ima siinin,
welise iyadda waxay ku dhaqday lugaheyga illinteeda kuna qalajisay timaheeda.
Iguma soo dhaweynin salaam dhunkosho,
Laakin inta ka imid, lugaheygaay dhunkaneesay.
Madaxeyga iiguma shubin saliid
Laakiinse, iyada catar macduun ah ayay lugaheyga ku daadisay
Kaddib waxaan idiin sheegaa,
Jaceylka weyn oo ay muujisay wuxuu cadeynaa in danuubteeda la cafiyay,
Laakiin, kii in yar la cafiyo,
in yar buu jacayl muujiya.
Dembiyadaada waa la cafiyay.
Rumaysidkaaga ayaa ku badbaadiyay. Nabad ku bari.
Socdaalka Sayid Ciisena wuxuu ku saabsanaa,
barritaanka farriinta wanaagsan ee boqortooyadda Illaah.
Laba iyo tobankii xertiisa ahaa isaga raaceen sidoo kale,
qaar haween ah oo iyaagana laga daaweeyay Sheydanka xun:
Haweenkaas oo ahaa…Maryantii reer Magdala
Yo’aana, oo ninkeedu ahaa Yuusa, oo boqorkii Herood adeege u ahaa
Iyo Suusaana
Herood, oo Roomaanka u soo magacaabay inuu ka taliyo Galili, wuxuu xabsi dhigay nebi Yaxye,
waayo wuxuu guurkiisa ku tilmaamay mid uu dembi ku galay dumaalka dumaashidiis, walalkii oo nool.
Hayeh?
Markii aan u soo dhawaanay tulada Naceyn irrideeda.
Waxan aragnay meyd la wado
Kan dhintay hooyadii carmal bey ahayd.
Markuu Ciise arkay iyada, qalbigiisa waxaa ka buuxsamay raxmad.
Wuxuu taabtay naxashii wuxuuna yiri,
"Barbaaryahow, kor u kac"
Kaddib meydkii wuu fariistay, Ciise wuxuu dib igu celiyay hooyadiis.
Weydii asaga, Ku dheh,
Miyaad tahay kii aan saadaliiyi inuu imaanayo,
Ama miyaan sugnaa Masiix kale?
Sayidoow!
Sayidoow!
Nebi Yaxye ayaa na soo diray inaan ku weydiinno.
Haddii adiga aad tahay kan la sugaayay,
Ama waxaan sugnaa qof kale?
Yaxye u sheega waxaad maqasheen oo aad aragteen
Indhoolihii wuu arki karaa, curyaankiina wuu socon karaa.
Kuwii aan iga shakinin ayaa aad u barakeysan.
Fadlan kor ii qaad!
Garabkeyga ku saarayaa, hadda ma arkeysaa?
Sayid Ciise! Arkaayaa!
Nin beeraley ah ayaa baxay inuu beerto.
Intuu firdhinaayey, ayaa abuurkii qaarkiis tubka dhexdiisa ku dhaceen laguna istaagay
Shimbirihiina way cuneen
Qaarkiisna dhul dhagax ah bay ku dhaceen.
Biyo la’an, abuurkii dalagi soo dhasheena way engegeen,
Qaarkiisna waxay ku dhaceen dhul goconyo ah
Waxayna dalagi la soo dhasheen qodxo.
Weyna dhuun qabteen
Qaarkiisna dhul carro san ah ayay ku dhaceen
Abuurkii wuxuu dhalay miro
boqol jibaar Midkiiba.
Macaalinow,
Dadka maxaad tusaale wax ugu bareysaa?
Illaah ayaa idiin siiyay sirta boqortooyadda inaad garataan.
Kuwa kale tusaale ayaan wax ugu sheegaa, si ay u firiyaan waxana u arkin,
oo way maqlaan, mana fahmaan.
Waa sidan macnaha tusaalaha abuurkii
Abuurku waa Erey Illaah.
Abuurka tubta ku daatay, waa sarbeeb, kuwa Illaah Ereygiisa maqlaa,
Ibliis ayaa imaanaaya oo Ereygiisa qalbigooda ka bixinaaya, si ay u rumeysanin ooysan u badbaadin.
Abuurka dhulka dhagaxa ku dhacay waa sarbeeb, kuwa Ereygiisa maqla oo aad u farxa.
Rumeysigooda wuu yar yahay.
Waxay rumaysnayeen wax yar
Markay jiribaaddu timaado,
Way kala firdhayaan.
Abuurka ku dhacay dhulka qodaax ahna, waa kuwa Ereygiisa maqla,
Walaaca taajirnimadda, raaxadda naftooda, ayaa rumeysigooda ka dhuun qabanaaya
Mirahoodana ma bislaadaan.
Abuurka dhulka carrasan ku dhacayna,
Waa kuwa Illaah Ereygiisa maqlaa rumeystana kuna dhaqma qalbi wanaagsan,
Noloshooduna miro wanaagsan ayay dhasha.
Qofna intu lambad shido baaquli kuma daboolo
sariir ma hoos geliyo.
Laakiinse, meel laga arkaayo ayuu suraa,
Si ay dadka soo geliya guriga u arkan iftiinka.
Wax kasta oo qarsoon bannaanka ayaa la soo dhigiyaa, wixii la daboolana iftiinka ayaa la keeni doonaa.
Ka taxadira haddaba sided wax u dhageysito,
waayo midkastoo wax fahama, wax badan ayuu garan doona.
Midkasta oon rabin garanshada Illaah inti yaraad u haystay, ayaa laga qaadi doona.
Macallinoow, Hooyaddaa iyo walaalahaa ayaa bannaanka kuu joogga.
rabaan inay ku arkaan.
Waayahay, hooyadeey iyo walaalaheey waa kuwa Illaah Ereygiisa maqla, oo kuna dhaqma.
Maalin Sayid Ciise iyo xertiisu waxay fuuleen dooni, iyagoo u gudbaaya daanta kale ee laagta.
Intay doontu socotay, ayuu hurday.
Sayidow!
Sayidow!
Ciisoow!
Waan dhiman rabnaa!
Hirka ayaa na qaadaaya! Sayidoow, Waan quusi rabnaa hurdada ka kac ee na badbaadi!
Illaah ayaa na badbaadinaaya.
Aaway rumeysadkiini?
Waxyna u sii socdaaleen illaa iyo gobolka Gadara oo ku tiilay gediga kale ee lagta
marka laga yimaado gobolka Galili.
Ciisoow...
Wiilkii Illaah ugu Saareya!
Maxaad iga rabtaa?
Waan ku baryaya,
Ha I ciqaabin!
Magacaaga ii sheeg?
Waan "Badanahay".
Waan ku baryeynaa,
Hannoo dirin, cadaabta naareed
Noo ogolaaw
Inaan horintaas doofaarka ah galno.
Xaay! SHHHH!
Ha naaga tagina!
Xaay! SHHHH!
Xaay! SHHHH!
Ruuxamada xun xun way ka baxeen ninkii, doofaaradeyna dhex galeen.
Halkaan ka tag!
Sixirrowle!
Na dhaaf! Halkaan ka fogaaw!
Naga tag! Tag, halkaan ka tag!
Meeshaad ku socoto, ayaan ku u raacaya.
Ii ogolaaw
Inaan ku raaco
Guriga u laabo,
dadka u sheeg wixii uu Illaah ku sameeyay.
Sayid Ciise Masiixa iyo xertiisa waxay tageen meel bannaan ah,
oo u dhow magaaladda Beytul Saciida.
Laakiin dad badan ayaa ogaaday wayna soo raaceen,
markii galabtii la gaaray, Butroos wuxuu yiri,
Sayidoow,
Dadkaan iska kala dir
Si ay u tagaan tuulooyinkooda iyo beerahooda ku wareegsan.
Una raadsaden cunto iyo meel ay ku hooydaan. Halkaan waxba ma yaalaan.
Idiinka naftiinu wax ay cunaan siiya.
Waxaan haysano waa shan kibis ah iyo labba malay.
Rabbiga Illaaheeyna ahoow, boqorkii Koonkow, Kan dhulka dheef noogu soo dhaliyo waad amanaan tahay.
Waa mucjiso!
Suurto gal ma ahaa!
Yeey yiradan dadku "Inaan ahay"?
Qaar waxay kugu magacaban Nebi Yaxye inad tahay.
Qaar kalena waxay magacaban Nebi Ilyaas.
Kuwo kalena waxay magacaban nebiyaddii hore oo midkooda geeridda ka soo noolaaday.
Idiinkuna,
Yaad ii malaysaan?
Waxaad tahay Masiixa Illaah.
Qofna waxaan ha u sheegina.
Duubanaha Masiixa waa inuu silco lana diidaa.
Waana Ia dili doonaa.
Maalinta seddexaadna dhimashadu ka sara kici.
Yaa xertayda noqonayaa?
Sayidoow, xertaadan noqonayaa,
Laakiin marka hore, aan baxo reerkeygana ku soo dhoho nabadeey.
Kii carro rogid bilaaba gadaal fiirinaaya, ma mudna inuu ka tirsanaado boqortooyadda Illaah.
Haddii uu qof rabo inuu xertayda noqdo, waa inuu illoobaa naftiisa,
Oona iskutallaabtiisa soo qaato maalin kasta.
Wuu lumi doona, qofkii isku daya inuu,
naftiisa badbaadiyo Naftaada haddaad i quurto, waxaan ku siinayaa nolosha dhabta ah.
Muxuu qof ka fa’iidaya, haddii dunidda oo dhan la siiyo oo uu naftiisa waayo?
Qofkastoo wax bariddeyda iyo anigaba ceeb la tahay
kaddib Wiilka Aadanaha, wuu ceebeyn doonaa, goortu la soo noqdo ammantiisa.
iyo ta Aabahay iyo daahirnimada malaa’igtiisa.
Waa hubaal,
Inay jiraan qaar aan dhimaneynin halkaan, illaa ay ka arkan boqortooyada Ilaah.
Kaddib Sayid Ciise wuxuu watay Butros, Yacquub iyo Yoxaana buurta korkeeda si ay ula baryotaman.
Intuu baryotamay muuqaalkiisu wuu is bedelay, korkiisana aad ayuu u dhalaayay.
Durbaddiiba, labba nin ayuu la hadlaayey.
Waxay kala ahaayeen Nebi Muse iyo Nebi Ilyaas oo ugu muuqday ammanta janadda soo degeysa.
Waxaad fulineysaan amaradda Ilaah.
Waxaad ku dhimaneysaa Yerusaaleem.
Inteey sii baxaayeen, Butros wuxuu ku yiri Sayid Ciise:
Sayidoow, wanaagsan inaan kula joogno.
Waxaan sameyneynaa seddex teendho
Mid adaan kuu sameyneynaa...
Intuu Butroos hadlaayay, daruur ayaa ku hagoogsantay xertii weyna cabsadeen.
Cod ayaa ka soo dhex yeeray daruuraha oo ku amray, "Kani waa wiilkeygii aniga aan doortay, isaga uun maqla!"
Macallinoow!
Macallinoow,
Fadlan wiilkeeyga ii bogsi!
Fadlan, fadlan u kaalme!
Waa madigeeyga,
Xertaadan ka baryay inay iiga bixiyan wiilkeyga ruuxda xun. Maysan awoodin!
Wixiinan qarni shareedkaha,
intee idiin la joogi doonaa, oo idiin sabri doonaa?
Wiilkaaga halkan keen.
Wejigiisana wuu bogsooday!
Sidee cajiib u tahay!
Sayidoow, na bar sida loo tukado,
siduu Nebi Yaxye xertiisa u baray tukashada.
Marka aad tukaneysaan, dhaha,
Aabhayaga janadda ku jirow,
Magacaaga ha la shafo,
Boqortooyadda ha soo degto.
Doonistaadu siday jannada ku tahay dhulkana ka yeel
Na sii maalin walba kibis maalmeedkayaga
Dembigayaaga naga cafi
Sidan anaguba u cafino kuwa noo qameysan.
Hanagu eegin jaribaadda,
Laakiin naga badbaadi sharta Sheydanka.
Weydiista, waadna helidoontaan;
Raadiya, waadna heleysaan
Garaaca, irriddana waa lay idiinka furi doonaa.
Qofkastoo weydiistana, wuu heli doonaa
Kii raadiyaana, wuu helaa,
Qofkastoo iridd garaaca, waa laga furi doonaa,
Haddii aad tahay aabe, miyaad siin lahaayd wiilkaaga…
mas markuu ku weydiistey kalluun?
ama dib-qalooc markuu ku weydiistey ukun?
Sikastood u xun tihiin, waad ogtihiin sida aad u siin laheydeen wax wanaagsan caruurtiina
Intee in le’eg ayuu Aabaha sammadda ku jira uu Ruuxa Qudduuska ah siinayaa kuwa weydiista.
Waxaan idiin sheegaya,
Haka fekirina noloshiina waxaad cuni doontaan
Ama waxaad xeran doontaan
Noloshu way ka badan tahay cunto, jirkuna wuu ka badan yahay dhar.
Bal ka fikir, tukaha,
Mana abuurtaan mana goostaan, bakhaarna ma laha sidoo kale bakaarna u ma duugna
Welina Illaah wuu quudiyaa.
Oo intee in la’eg ayaad ka qiimo badan tihiin shimbiraha?
Midkeeba welwel noloshiisa
isagu ku dheereyn kara?
Haddii aadan waxaas yar sameyn karin,
Maxaad ugu welweleysaa inta kale?
Bal ka fikir ubaxyada, Sida ay u baxaayaan
Iyagu ma shaqeyn karaan mana wareegi karaan
Welina Nabi Suleymaan dharka boqortooyadiisi umasan labisan kuwaan midkood.
Haddii Illaah, Uu dhar maanta u guntiyo caws oo uu berritana lagu tuuro dabka,
Intee in le’eg ayaad hubtaan inuu idiinkana dhar idiin huwin doono,
Kuweyahow rumeysadka daran.
Sayidow, rumaysiga noo siiyaadi.
Haddii rumeysidkiinu la ‘eeg iniin khardal ah, waxaad ku amri lahaaydeen, geedkan weyn,
"Xididadiisa kor u siib, baddana ku beera!" Weyna idiin adeeci doonaan.
Damacyada dembiga waa hubaal inay imaanayaan
Laakiin waxaa halaagsamay kii keena
Waxaa u wanaagsanayd in dhagax weyn qoortiisa lagu xiro baddana lagu tuuro, intuu kuwa yar-yar duufsan lahaa.
Sidee u eg tahay boqortooyadda Illaah?
Waxay u eg tahay:
Nin ayaa ku abuuray beertiisa iniin khardal ah
dhirtii ayaa dhalatay oo geed weyn noqotay.
Shimbirihiina laamihii ayay ka kor dhisteen abuul.
Ma ogi waxa uu baraayo!
Maxaad wax ula cuneysaa ulana cabeysaa kuwa canshuur qaadayasha iyo dembiilayaasha kale?
Dadka kuwooda fayoow dhakhtar uma baahna, laakinse, kuwooda jirran oo keliya.
Uma imaanin inaan u sheego kuwa wanaagsan oo keliya inay towbad keenaan,
Laakinse, dembiilayaasha ayaan u imid.
Markale boqortooyada wax Ku saabsan noo sheeg!
Kooxyaheey yar, Ha cabsnina,
Aabihiin wuxuu ku qanacsan yahay inuu idiin siiyo boqortooyadiisa.
Hantidiina oo dhan iibiya oo siiya masaakiinta.
Isa siiya abaalmarino aan dhamaaneynin taajir nimadiina ku keydsada jannadda, halka aysan ku kala dhinmeynin.
Waayo halkaasi ma laha tuug kaa xadaaya hantidaada,
Ama xasharaad kaa baabi’inaaya
Qalbigaaguna wuxuu yahay halka ay tahay taajir nimadaada.
Haweeneey, Xor ayaad ka tahay xanuun.
Bal fiiri! Fiiri! Way bogsootay! Waa mucjiso! Bal fiiri! Fiiriya! Way bogsootay! Kaalaya oo arka!
Wey-nee-ya- weeyneeya
Rabbigga!
Toban iyo siddeed sanno ayaan tuur lahaa! Rabbiyow, barako!
Waxaa jirta in aan shaqeyno lix maalmood,
Imaaw maalin ka mid ah si laguu bogsiiyo, laakin maalinta nasiinada ha imaanin.
Labo wejiiliyaalow!
Midkiinay haddu dabarka ka furo dameerkiisa oo moorada ka bixiyoo si uu biyo u soo siiyo maalinta nasiinada.
Hadda waata ina Nebi Ibraahin oo uu sideed iyo toban sanno u xir xirnayd Sheydaanka.
Miyaaney iyadu laga xoreyneynin tuurtii jirada ahayd maalintii nasiinada?
Macallin wanaagsanow, maxaan sameeyaa si aan u helo nolosha daa’imka ah?
Maxaad iigu yeereysaan wanaagsane?
Qof wanaagsan ma jiro Illaah mooye.
Waad taqaanaan ammaroodo dhan,
"Ha gellin macsi"
"Ha noqon gacan ku dhiigle; qofna ha masa bidan.
Xushmee hooyada iyo Aabaha."
Illaa iyo intaan yaraa amaradaan ayaan ku dhaqmaa.
Weli waxaa jira hal arrin una baahan inaad sameyso,
Waa inaad iibiso hantidaada sii saana masaakiinta,
Jannadaad ku taajiri doontaa
Kaddibna kalay oo xertayda noqo.
Laakiin ganacsatan nahay Tajiiriin ah.
Sideey ugu adagtahay in qof tajir ah uu galo boqortooyada Illaah.
Way ku adagtahay inuu qof tajir ah galo boqortooyadda Illaah,
Waxaa ka sahlan inuu rati ka dhex duso cirbad dulkeeda.
Oo maxaa harayba?
Waxaan bini Aadanku awoodiin, ayuu Illaah awooda.
Illaah boqortooyadiisu gormeey imaan doontaa?
Boqortooyadda Illaah kuma imaaneyso qaab aad arki kartaan.
Ma dhihi karro qofna,
"Fiiri, waa tan" ama "waa taas,"
Waayo boqortooyadda Illaah wey idiinku jirtaa.
Kaddib waad dooni doontaan aragtida labashada maalinta Wiilka Aadanaha,
Laakiin ma arki doontaan.
Sida biriqdu il biriqsi cirka dhan ka dhan ugu dhaafto, ayay malinta Wiilka Aadanahu noqon doonta.
Laakiin waa inuu si daran u silca dadkuna u diidaan maantadan.
Waxaa barakeysan kaad iskusi wax u arkaaysan!
Waayo, nebiyo badan iyo boqoro ayaa damcay inay arkaan taas, mana aysan arkin.
oo may maqliin wax aad maqasheen.
Maxaan sameynaa?
Qoraaladu maxaa ku qoran? Sideed u fasiraneysaan?
Rabbiga Ilaahaga ku jeclow, Qalbigaaga oo dhan,
ruuxaaga oo dhan, tabartaada oo dhan, iyo maskaxdada oo dhan,
Deriskaagana u jecloow sidaad naftaada u jeceshahay
Waad saxan tahay.
Tan sameeya, waad noolaan doontaan.
Yaa deriskeeyga ah?
Ma aha ciidankaas.
Mana ha Boqorka!
Nin ayaa Yeerusaleem ka socdaalay isagoo u socda Yeriko.
Markii ay burcad werartay isaga,
Furteen, garaaceenna, uguna tageen isagoo naf uga jirin.
Wadaad reer binii-Israa’iil ah, ayaa jidkii ku yimid. Markuu arkay ninkii ayuu jidka dhinaciisa kale maray.
Sidoo kale adeegaha macbudka ayaa soo maray jidka, marku ninkii arkay ayuu isaguna dhinac kale ka maray.
Laakiin nin la yaso oo ahaa reer Samariyaan oo jidka ku socdaalaayey ayaa ku yimid ninkii.
Marku arkay ninkii wuu calool xumaaday.
Wuu u dhawaaday ninkii, saliid ayuu kaga dhayey dhaawacyaddiisii kuna duubay.
Kaddibna wuxuu saaray dameerkiisi oo geeyay albeerko si qofka halkaas ugu ogaado.
Maalintii xigtayna wuxuu ninkii albeerkada lahaa siiyay labo suumuni,
wuxuuna ku yiri, "Ku dadaal ninkaan wax alla wixii ku baxana, soo laabashadeyda dembe ayaan ku siinayaa."
Seddexdaas midkeed u maleyneysaan inuu deris wanaagsan u ahaa ninka ay burcaddu furatay?
Kan u calool xumaaday.
Hadaba, adiguba, sidaas sameeya.
Kalay, aa!
Dayaa caruurta ha iga celiniina, ha ii yimaadaane.
waayo, boqortooyada Illaah kuwaan oo kale ayaa iska leh.
waxaan sheegaya, runtii,
Midkastoo u helin boqortooyadda Illaah sidii caruurtaan yar-yar oo kale, ma galaayo dhexdeeda.
Kii ku soo dhaweeya caruutaan magaceyga, anigu isoo dhaweeyay.
Kii aniga I soo dhaweeyana, wuxuu soo dhaweeyay kii aniga I soo diray.
Kii idiinka dhexdiina idiinku hooseeya, ayaa idiin kuu weyn.
War haye, maxaa jira? Maxaa halkaan ka socda?
Ciisihii reer Nasareet ayaa ku dhinac maraaya.
Ciisoow!
Ciisoow!
Wiilkii boqor Daa’uudoow, iin naxariiso!
Maxaad rabtaa inaan kuu sameeyo?
Waxaan rabaa inaan mar kale wax arko!
Haddaba arag!
Rumeysidkaaga ku bogsiyay.
Waan arki karaa!
Waan arki karaa!
Illaahaba ammaan leh!
Intuu Sayid Ciise ku sii jeeday Yeerusaleem, dad aad u badan ayaa meel kasta kula kulmay.
Waxay waydiinayeen inuu tuso jidka lagu badbaado, iyo inuu wax dheeraad ah ka baro boqortooyadda Illaah.
Runtii ninkaani waa Nebi.
Sayidkeygiyoow, i badbaadi!
Rabbiyoow, na badbaadi, na badbaadi!
Rabbigga ammaanna!
Rabbiyoow, jidka xaq ah na tus!
Dadka Rabbinimo ayay ogolaadeen.
Magaaladda Yerikoo waxaa jiray nin canshuur qaade ka ahaa oo lagu magacaabo Sakaayoos.
Wuxuu aad u rabay inuu arko Ciise, wuxuu koray geed si u arko.
Sakaayosoow, soo deg.
Manta marti ayaan ku ahaay guurigaaga.
Gurigeygaa?
Yaa raba inuu gurigiisa u martiyo?
Yaa! Sakaayoos, siduu ku bartay Sayid Ciise?
Dhageysu,
Waxaan siinayaa hantideyda nuskeeda masaakiinta.
Iyo haddii aan qof khiyaanay,
waan u celinaya in ka badan afar jibaar.
Ma aamini karno, canshuur qaada dib u celinaaya canshuurtiisa! Ma suurta geli karto!
Illaahba manta qooyskan badbaadiyay! Ninkaani waa faracii Nebi Ibraahin!
Wiilka Aadanaha wuxuu u yimid inuu raadiyo, oo hanuuniyo kuwa baadiyoobay.
Dhageysta.
Waxaan u baxeynaa Yeeruusaleem.
Halka ay Nebiyadda oo dhan wax ka qoreen Wiilka Aadanaha ku rumobayso,
waxaa loo gacan gelin doonaa, kuwan reer binii Israa’iil ahaayn.
Way ku jees-jeesi doonaan, Si xun ula dhaqmi, candhuufiina doonaan,
Waana la karbaashi lana dilli doonaa,
Laakiin, maalinta seddexaad, Wuuna sara kici doonaa.
Inkastoo Sayid Ciise uu ogaa in loo dili doono
danuubta bini aadanaka, wuxuu go’aansaday inuu qaado jidka Yeerusaleem.
Wuxuu labbo ka mid ah xertiisa u diray inay u keenaan dameer.
Intuu sii saarnaa, dadkii badnaa aad ayay ugu reyn-reynayeen Illaahna u ammaanayeen,
ayagoo ku naadinaye "Sayid Ciise waa boqor!"
Macallinoow, xertaada ku ammar inay aamusaan.
Haddii ay aamusi lahayen, Dhagxaanta naftoodu way qeylinayaan.
Waxaa barakeysan ka Rabbigga magantiisa ku yimaada,
Sayid Ciise wuxuu ku soo dhawaaday Yeeruusaleem. Markuu arkayna, wuu u boroortay.
Haddii aad
ogaan laheyd maalinta jidka nabadda, laakiin waad iska indho tirteen.
Wakhti ayaa imaan doona marku cadawgiinu
derbi idiinku wareyjin doono kuna dhex owdantaan, dhinac kastana niga weeraraan.
oo derbiyada dhexdoodana nigu dili doonaan...
carruurtiina idiinkuwa.
dhamman wey idiin baa’biin doonaan, waayo maydun fahmin wakhtigi Illaah idiin badbaadin lahaa.
Macbudka quudsan ee Yeruusaleem wuxuu noqday xarun ganacsi intii uu noqon lahaa goob ciibaado.
Way qoran tahay,
"Gurigeyga waa inuu ahaado guri lagu cibaadeysto." Laakiin, waxaad u bedesheen goob tuugo!
Wuxuu ku sii jeedaa xoolaheyga!
Jooji isaga!
Jooji isaga!
Ilaaladda iigu yeera! Ilaaladda iigu yeera!
Mucaaraddka ayaa ku sii kordhaayey, siyaasiyiinta iyo madaxda diimaha qaarkood,
waayo dadka waxay ku andaconyeen inuu Sayid Ciise yahay boqor.
Dad badan waxay u soo dhaweeyeen sidii boqorkii reer binii Israa’iil.
Boqor aa? Waa boqorkii kuwa tuugsada, iyo tuugta.
Hore ayaan u aragnay noociisa. boqornimo ayay ku andaconayaan, oo la illoobayaa.
Ha is indho tirin!
Xertiisu way sii badanaayaan.
Dadkuna way u riyaaqayaan.
Waxay u maleyaan "Boqor".
Hadda waxaan idiinka digayaa, haddii uu ninkani wax dhib ah keeno, idiinka ayaa ka mas’uul ah!
Malaha wuu saaxsan yahay.
Waa wakhtigii aan ka hor tegi lahayn.
Sayid Ciise wuxuu waday inuu canaanto caalimiinta sharciga Nebi Muuse iyo culimadda diimaha kale,
waayo Illaah sharcigiisa ayay dadka baraayeen, kumana dhaqmeynin.
Intuu macbudka dhexdiisa joogay, ayaa wuxuu arkay carmalad maskiin ahayd,
oo labo sumuni ku rideysa sanduuqa sadaqada.
Miyeysan intaan ka badan dhiibi karin?
Waxaan idiin leeyahay,
carmalada maskiinta ah waxay dhiibtay wax ka badan kuwa kale.
Waayo dadkaan oo dhan hantidooda badan ayay wax ka sadaqeysteen.
Laakiin maskiin ha ahaatee, wixii yaraa ay laheyd ayay sadaqeysatay.
Noo sheeg,
ayaa ku siiyay awoodda aad wax ku baraayso?
Awoodaani intey kaga timid?
Waxbaan idiin weydiinayaa,
Yaxye, awooddi u ku biyo daahirinayay, ma Illaah mise bini’adankay ka timid?
Maxaanu ugu jawaabnaa?
Haddii niraahno, "Illaah xaggii" wuxuu na dhihi,
"Oo idiinku maxaad u diiden?"
Haddii aan dhahno "xagga Bini’aadinka", dadka ayaa na dhagaxeynaya.
Waxay u haystan inuu Yaxye Nebi ahaa.
Ma garaneyno awoodda asalkeeda.
Aniguna idiin sheegi maayo, halkay awoodasi ay ka timid.
Nin beeraley ah wuxuu abuurtay beer canab ah.
kana kireystay beeraleey kale,
Kaddib reerkiisi ayuu ka socdaalay muddo badan.
Markii ay iskugu yimaadeen inay goostan mirihii beerta,
Adeegayaalkiisa ayuu dirsaday beeraleeydii,
Inaay u soo ururiyaan qeybtii u canabka ku lahaa
beeraleeydii adeegihii waxba uma dhiibin waanay garaaceen
Adeege kale ayuu u diray.
Laakiin, isagana inteey soo garaaceen ayay weliba soo fadeexeysteen, eberkiisuuna soo laabtay.
Kaddib adeegihii seddexaad ayuu ninkii haddana u diray. Isagana waa la soo garaacay, bannaankaa lagu soo tuuray.
Ninkii beerta canabka lahaa wuxuu is yiri, "Haddaan gartay waxan sameynayo.
Kolkaan waxaan u diraya wiilkeyga oon aadka u jeclehay."
"Runtii wey darajeyn doonaan."
Markii ay beeraleedii arkeen wiilkii oo soo socdo ayay waxay is dheheen,
"Kan waa kii dhaxalka lahaa.
Aan dilno si aynu beerta u lahaano"
Sayidoow, sheekada noo wad!
Beerta canabka banaankeed ayay u soo bixiyeen,
wayna dileen.
Muxuu ninka beeraleeyda ku sameeyn kuwa kale?
Wuu u tegi doona beeraleeyda wuuna dili doona, kaddibna kuwa kale ayuu beerta siin.
Dhageysta qoraalkaan macnahiisa.
"Dhagaxii kuwa wax dhisaa u diideen sida bilamacane,
Wuxuu noqoday dhagaxii aassaska.
kii kastoo ku turaanturooda dhagaxaas gabal gabal ayuu u kala go’I doona.
Dhagaxaas qofkii uu ku soo dhacanna
wuxuu u burburiya budo ahaan.
Macallinoow,
Waan ognahay inaad runta Illaah baraysid.
Waan ognahay inaadan qofna ka cabsaneynin.
Sidaas awgeed runta Illaah na bar.
Nalla talli.
Sharcigeena ma inoo ogol yahay inaan canshuur siino boqorka Roomanka?
Rabbiyoow, iska jir yaysan ku khiyaanin.
I tus sumuni Roomaana.
Wejigaan sumuniga ku sawiran waayo?
Boqorka Roomanka!
Wuxuu boqorku leeyahay
boqorka siiya
Wuxuu Illaah leeyahay Illaah siiya.
Maxad ugu jawaabaysan taas?
Waxaa la gaaray maalintii iidda "Kormaridda ee Pasax".
Loona gowracaay wanka oo ay ku iidayeen, addoomadii wadanka Masaarida uu Ilaah ka soo furtay.
Sayid Ciise wuxuu horay u diray Butroos iyo Yooxaanna si ay ugu diyaariyaan kibista Kormaridda.
Aad ayaan u rabay inaan iidda Kormaridda idiin la cunno ka hor inta aan lay silcin.
Waan idiin sheegayaa,
Mar kale kibista ma idiin la cunnayo illaa boqortooyadda Illaah ka hirgaleyso.
Rabbiyoow, Illaahoow, adigaan ku ammaaneynaa,
Boqorkii Koonkow!
oo ka keena canabka geedkiisa.
Kan qaata oona isla wadaaga dhexdiina
Wakhti kale canabka geedkiisa ma idiin la cabbi doono, illaa ay boqortooyadda Illaah ka soo muuqoto.
Rabbiyoow, Illaaheeyoow, adigaan ku amaaneynaa.
Boqorkii Koonkow!
Kan dhulka kibista kaso bixiyo.
Kibistani waxay mataleysaa jirkeeyga oo daraadiin loo bixiyay.
U cunna si aad ii soo xusuusataan.
Dheecanka canabka waxay mataleysaa axdiga cusub ee Illaah, taasoo ah dhiigeeyga oo daraadiina loo daadiyay.
oo bal eega! Kan aniga i khiyaami doona halkaan ayuu fadhiyaa.
Aniga Wiilka Aadanha waan dhimanaa siduu Illaah hore iigu talla galay,
laakiinse qofka aniga cadowga ii khiyaama, wuu halaagsami!!
Weydiiya qofkaas yuu yahay.
Ma anigaa?
Weligeey kaama tegaayo!
Kan dhexdiina idiinku weyn, ha idiinku yaraado.
Kan idiin talinaaya adeegihiina ha ahaado.
Adduunka dhaqankeedu waa
Qofka fadhigiisa cunto loogu keeno,
Ayaa ka weyn kan u adeegaaya
Oo taasi run miyaa? Haa, waa sidaas.
Laakiin aniga dhaqankeeygu wuu ka bedelan yahay taasi. Waxaan u imid inaan kuwa kale u adeego.
Wax badan ayaad illa joogteen illaana dhibatooteen.
Sidaas awgeed, ayuu aabahey wuxuu i siiyay awood anigu wax ku hogaamiyo
Sidaas awgeed ayaan anigana waxaan idiin siinayaa awoodeeyda.
Si aad wax ugu hogaamisaan boqortooyadeyda dhaxdeeda ayaan wax iskula cuneynaa kuna cabi doonaa.
si aad u xukuntaan laba iyo tobanka qabiil ee reer Israa’iil.
Rabbiyoow, qof ku khiyaani karo ma jirro markaas!
I dhageyso, Simoonoow,
waa Sheydaan siduu rabay inuu dhammaantiin idiin jaribo.
Wuxuu rabaa inuu idiin kala qeybiyo sida mesegadda loo haadiyo.
Anigu waxaan kugu duceyay inuu rumeysidkaagu khasaarin.
Markaad i towbad keento, xerta kalena ku dhiiri geli.
Sayidoow,
Aniguna waxaan diyaar u ahay inaan xabsiga kula galo
Oon weliba kula dhinto.
I dhageyso, Butrusoow
Runtii intuu diiqu ka ciyidoono subaxaan ka hor, saddex jeer ayaad i dafiri.
Markan hore idiin diray lacag iyo boorso la’aan wax ma weydeen?
Maya, waxba.
Hadda qofkii lacag iyo boorso haysto horey u qaado,
waaba sida goo’aga inaad gado ood seef gadato.
Waan idiin sheegaya,
sida hore Qoraalka loogu saadaaliyay in aniga laygu tirin doono dembiilayaasha.
Wixii hore aniga layga qoray, hadda ayay dhacaayaan.
Rabbiyoow arag!
Waa kuwan labba seefood.
Maya, nagadaa jooji!
Gudida diintu waxay u kulmeen gorsha ay ku dilan Sayid Ciise.
Kaddib Shaydaan ayaa galay maskaxdii Yuudas Iskaariyoot oo ka tiirsana toban iyo labadda rasuul.
Gudida diinta ayuu u diyaariyay sidii ugu soo gacan gelin lahaa Sayid Ciise.
Sayid Ciise wuxuu ka tegay Yeeruusaleem wuxuuna koray Buur Saytuun si uu ugu baryootamo.
Barya si aaydan ugu dhicin jiribaadda.
Yuudas Iskariyood wuxuu Ciise Masiix ku gacan geliyay soddon suunuud oo qalin ah darteed.
Sayid Ciise wuu ogaa inuu goortii uu dadka dembigooda dartood u dhimanaayo la gaaray.
Sidaas awgeed, ayuu u baryotamay.
Aaboow,
Haddi rabitaankaaga tahay, Koobkaan silciisa iga fogee,
Laakiinse, Rabitaankeyga ma ah rabitaankaaga ha ahaato.
Malag sammadda uga soo muuqaday oo isaga awood dhiiragelin sinayey.
Intuu ku silcayay baryotan, ayaa dhididkiisa u noqday dhiig dhulka ku da’aya.
Maxaad u hurdeeysaan?
Soo kaca!
Baryotama si aaydan ugu dhicin jirribaadda
Yuudasoow,
Ma dhunkasho ayaad ku dhagartay Wiilka Aadanaha?
Kuwaani seef ayaan kula dagaala meynaa?
Kaalaya, xirra!
Ha samaynin taas!
Yaah, waa yaab! Isla markiiba dhegtii wey bogsatay!
Ma waxaad illa timadeen seefo iyo waramo sida anigo Sharcilaawe ah?
Aniga maalin kasta waxaan idiin la joogay macbudka, mana i xirin.
Laakiinse, wakhtigiina ayaa la gaaray
waa wakhtigii mugdiga Sheydaanku xukumaayay.
Xira!
Si adag u ilaaliya!
Markaasa Sayid Ciise qabteen oo ay geeyeen wadaadkii macbudka gurigiisa,
wayna ku jeesjeeseen iyagoo dhahaaya isagu waa boqorka reer Binii-Israa’iil.
Waaka, go’aa boqoreedkii!
Sayidoow, noo sheeg waxa dhici doona!
Boqoroow, mana badbaadineysaa?
Haa, ninkani waa Ciise xertiisa.
Naagyahay, aniga ninkaan maba garanaayo!
Ana isku arkay!
Adeegayaalkaaga ayaan nahay!
Oo hadda maxaad dhaheysaa?
Waxaad ka mid tahay xertiisa!
Maya, ma ihi.
Runtii shaki la’aan ninkani waa Ciise xertiisa.
waayo qudhiisa wuxuu ku hadlayaa lahjada reer Galili.
War iska tag!
Igadaa, anigu ma garanaayo waxaad sheegeyso!
Markaasaa Sayid Ciise gadaal u soo fiiriyay Butroos,
Kaddib wuxuu Butroos soo xasuustay hadalkii Rabbigiisa Ciise oo la ahaa,
"Intuu diiqa ciyin maanta saddex jeer, ayaad I dafiri."
Sayidoow,
i cafi
rabbiyow, waan ku dafiray.
Laakiin hadda waan kuu soo laabtay, kuna dafiray anigoo ku garanaaya
Sidaas darteed adigana ha ii aroonin;
Laakiinse,
adigaa kuu qeylineynaa inaad garab na siiso
addigaa denbigeena cafin karo
Rabbiyoow,
maxaa yeelay jaceylkaaga iigu naxariiso,
Anigana dembiiyadeyda ii cafi.
Yaa kugu dhuftay! Saadaal!
Saadaali bal!
Markaan yaa wax kugu dhufan doono?
Joojiya!
Joojiyaan, dhahay!
Keena, golaha diinta horteeda.
Soco!
Gudiga diinta ayaa la hor keenay Sayid Ciise Masiix si ay u xukumaan.
Noo sheeg, ma adigaa ah Duubanaha Masiixa?
Haddii aan idiin sheego,
imana rumaysanaysan.
Haddii aan idiinka su’aal ni weydiiyo, ma iiga jawaabeysaan.
Aniga oo ah Wiilka Aadanha waxaan fariisan doonaa gacanta midig ee Illaaha Qadiirka ah.
Oo ma adiga ah,
Wiilkii Illaah?
Haa, adiga yiri inaan ahay.
Yaa siiyay awoodda uu ku andacoonaayo?!
Dembigiisu qirtay wuuna cadeystay!
Anagaaba maqalnay kufirnimadiisa!
Waa inaan u geynaa Bilaatoos si aan cadeeyn ugu helno.
Haa, haa isaga hortiisa geeya!
Dhaqaaq!
Sayid Ciise intay wadeen ayay Bilaatoos u geeyeen si isaga dil loogu xukumo.
Markaasa Bilaatoos oo ahaa wakiilka Boqorka Roomaanka.
Maxaad uso kalahdeen? Maxaad u timideen?
Ninkaan waxaan ka soo qabanay isagoo dadka duufsanaaya!
Wuxuu buuq weyn ka kiciyay macbudka dhexdiisa!
Ciqaabtiisa maxaynu ka yeelnaa?
Iskutallaabta halagu qodba!
Anigu sabab aan dilid ugu xukumo ma haayo ninkaan.
Ninkaan dembi buu galay! Wuuna ku sheegayay inay siinin canshuur Boqorka!
kuna andacoonayay inuu yahay Masiixa, ama Boqor.
Boqor aa?
Ma adigaa ah, boqorka reer binii-Israa’iila?
Haa, sida aad tiri weeyan.
Wuxuu wax baridda ka soo bilaabay gobolka Galiili, haddana intuu yimid.
Reer Galiili waaye aa?
Meeshaa boqor Herod u talinaayay aa?
Sidaas awgeed, boqor Herod ha xukumo.
Isaga wuxuu joogaa Yeerusaleem?
U geeya Herod!
Yaad ku andaconaysan inaad adigu tahay?
I sheeg, xertuna yay ahaayeen?
Dad badan waxay sheegeen inaad mucjiso wax ku sameeyso...
oo mucjisidada i tus.
Jaale,
Dadka oo dhan ayuu duufsanaayay,
kuna andacooday inuu yahay
Boqorka reer Binii-Israa’iil
Ma kanaa?
Boqor aa?
Jaale nimadaada!
Aad u juugeeya!
Bilaatoos xaggiisa u celiya!
Isaga gobalkaan maamula.
Ninkaan
wax dembi ah oo lagu dilo ma laha.
Sidaas waxaan ku xukumay in la karbaasho,
oona layska sii daayo.
Dhaqankaagu waa inaad sannadkiiba maxbus noodayso iid kasta.
Noo soo daa!
Baraabas.
Haa!
Ninkaan iskutallaabta ku qodba.
Haa, Baraabas noo sii daa!
Iskutallaabta ku qodba!
Oow: Iska dhaaf aan la dhinto!
Adiga, adiga karbaash isaga!
Bilaatoosoow, waxaan kaa baryeynaa? Ninkaan dil!
Ciisa weeye!
War maxaad u silcinaaysaan?
Iska daaya ha karbaashina, ninkaan waa Duubanaha Masiixa!
Isaga wax xumaan ah ma falin!
Iskutallaabta halagu qodbo!
Dadka badankiisa aad ayay u qeyliyeen, iyagoo leh Sayid Ciise hala dilo.
Kaddib Bilaatoos wuxuu amar ku bixiyay Sayid Ciise dilkiisa sida ay dadka rabeen.
Baraabasna la soo daayo, oo xirna xabsi ka bax sasho iyo dil.
Bilaatoosna Sayid Ciise ayuu hogaamiyayaasha diinta reer Binii-Israa’iil u dhiibay sidii iyagu rabeen ayaa loo yeelay.
Adiga!
Adiga Magacaa?
Simoonkii reer Sayriin
Inta soo mar!
Xargaha goo!
Soo qaad adiga! Soo dhaqaaq!
Sayidoow, adigaan kuu barooraneynaa. Hoo biyahaan cab,
Hoo, Rabbiyooow, cab!
Haweenkii reer Yerusaleemeey,
Aniga ha ii barooranina
Laakiin idiinka iyo caruurtiina isu baroorta.
Markaad wax xun aad sameyneysaan intuu geedka qoyan yahay,
markuu geedku qallalo maxaad sameyn laheydeen?
Alla hooyoy, Illaah ha kuu kaalmeeyo.
Sayidoow, Illaah ayaan kuu baryeynaa.
Horay u socod siiya!
Iskutallaabta kor u istagiya!
Buruska ku garaaca korna u qaad asgoo ku taagan!
Xarigga ku jiida!
Aaboow kuwaan, cafi,
waayo iyagu ma oga waxa ay sameynaayaan.
Wuxuu iska dhigaya badbaadiye
Aan aragno haddii uu is badbaadin karo!
Haa, naftaada uun badbaadi haddii Duubanaha Masiixa tahay, na tus in aad iskutallaabta ka degi karto!
Haye! Mucjisaada wax naga tus!
Sayid Ciise Masiix waxaa lagu qodbay iskutallaabta labo tuugo dhexdooda,
sidii ay nabiyadii hore u saadaaliyeen boqolal sanno ka hor.
Bal eega, boqorkan goo’iisa!
I sii I sii, Ha jeexin!
Aaan qori ridanno, qori ridanno
Aaa, waad guuleysatay! Adiga qaado, nasiibaad leedahay.
Madaxiisa korkiisa ayaa waxaa lagu kawiyay alwaax ku qorantay, "Boqorkii reer Binii-Israa’iil"
Runtii haddii adigu boqor tahay, naftaada uun badbaadi!
Adiga miyaa duubanaha Masiixa?
Adiga uun isbadbaadi kaddibna anaga.
Illaah ma ka cabsaneysiin miyaa?
Isku xukun baan nahay...
laakiin...
Isagu wax dembi ah mu sameynin.
Ciisow, i soo xasuuso markaad adigu boqor ahaan u timaado.
Waxaan kuu balan qaadayaa
Maanta jannadda adaa iila,
joogi doonaa.
Lix saac markii la gaaray ayaa dhulkii oo dhan mugdi noqday ilaa sagaalka saac galabnimo.
Daaha-Xijaabka macbudka halkaas ugu daahirsanaa, ayaa laba meelood u kala dilaacay.
Aaboow,
gacmahaagga
ayaan ruuxeyga
u dhibtay!
Taliyihii askarta markuu arkay sida Sayid Ciise Masiix u dhintay
iyo waxii kale oo dhacay, ayuu Illah amaanay isagoo leh:
Illaah baa mudan! Haa, Runtii, ninkaan xaq buu ahaa.
Yuusuf kii reer Arimateeya oo ahaa nin xaqa xubina ka ahaa
guudiga diinta, isagu go’aankii dilista Ciise raali kama ahayn.
Kaddib wuxuu ogolansho uu ku duugo meydka Ciise ka doontay Bilaatoos,
ka hor qorrax dhici maalintii nasashada.
Raali, naga ahaaw, anaga meydkii Sayid Ciise ayaan soo raaceynaa.
Waayahay
dhakhsada. maalintii nasashadda ayaa ina soo haayse.
Subaxnimaddii ayay aheyd maalintii ku xigtay nasashada dadka reer binii-Israa’iil,
ooy haweenkii u soo qaadeen uunsi xagga xabaasha ayay tageen,
halkaas oo meydka Sayid Ciise la dhigay.
Oo waakaas! Waxay arkeen dhagaxii weynaa xabaasha iriddeeda ku daboolnaa oo laga leexiyay.
Markii xabaasha ay galeen meydkii Sayid Ciise Masiix way ka waayeen.
Maxaad qof nool xabaasha dhexdeeda ugu raadineysaan? Halkaan ma joogo, mar horu kacay waana soo noolaaday.
Oo ma xasuusitan miyaa wuxuu idiinku dhihi jiray in dad loo gacan gelinaayo Duubanaha Masiixa,
iskutallaabtana lagu qodbi doono oo runtii dhiman doono, laakiin maalinta seddexaad soo sara kaci doono.
Suga suga!
Dhagaxii waa laga garaan geriyay!
Anagaa galnay...
Laakinn meydkii Sayidka...
waan ka weynay
Waa maxay! Meydkii Sayidka xabaasha waan ka soo weynay?
Labbo malaa’ig ayaa noo soo muuqdeen
Oo aad u birbirqaayo sidii qoraxda oo kale
waxay noo sheegeen:
Maxaad dadka nool ugu raadineysaan dadka dhintay.
Waa run, wuu soo sara kacay!
Na rumeysta!
Oo na rumeysta.
Rumeyso! Xabaasha waa eber! Sayidkeena dhimashaduu ka soo sara kacay!
Rruntii wuu soo sara kacay, Butroosow!
Isla wakhtigaas, Sayid Ciise wuxuu is tusay labo xertiisa ka mid ahaa.
Waxay kala kulmeen xertii ayay ula soo noqdeen.
Runtii Sayidkii wuu soo sara kacay!
Butroos ayuu is tusay!
Markaan anaga jidka kula kulanay,
Waan garan weynay.
Markuu kibista kala jabiyay waaba Sayidkii!
Rabbigga nool asaga dhimashaduu ka soo saro kacay
Nabad korkiina ha ahaato.
Maxaad isu dhibeysaan?
Muxuu qalbigiina ka shakisan yahay?
Arka gacmaheyga iyo lugaheyga.
Kaddib waxaad shaki la’aan ah inaan anigu ahay.
I taabta markaasaad i fahmeysaan.
Reer aakhiraadka jir iyo lafo male, anigu se waan leyahay.
Waxaan oo dhan markii horaan idiin sheegay inaan idiin la joogaayo.
In wax alla wixii Tawreedka Nabi Muuse iyo nabiyada iyo Zabur la iiga qoray waada rumoobaan,
Sidii hor loo qoray,
In duubanaha Masiixa dhimanaayo maalinta seddexaadna soo sara kacayo.
Farriinta wanaagsan ee magaceyga ummadda oo dhan ku
si aad ugu wacdisaan, inay dembi dhaaf ku helaayaan
towbadkeenkooda.
Markhatiba tihiin.
Nafteyda waxaan idiin soo diri Ruuxa Quduuska ah sidii Aabahey uu iga balan qaaday.
Sidaas darteed halkaan Yeerusaleem dhexdeeda ku suga
Intuu Ruuxa Quduuska ah idiinku hibeynaayo awoodda jannadda.
Illaah ha idiin barakeeyo hanna idiin dhawro.
Rabbiga aniga wuxuu i siiyay awood dhul iyo cirkaba.
Sidaas darteed, aada oo ku wacdiya ummadda oo dhan inay xerteyda noqdaan.
Kuna biyo daahiriya magaca Aabaha, kan Wiilka, iyo kan Ruuxa Quduuska ah.
Bara inay Rabbiga u towbad keenaan, Runtii anigaa waan idiin la jiri doona illa dhammatka dunida.
Ma idiinka tagaayo manna idiin dayacaayo. Aamiin!
Nabiyaalkii waxay saadaaliyeen inuu Eebbe soo diraayo Masiixa,
uuna dembiilayaalka ka badbaadinaayo, xiriirkoodana u soo celin doono xagga Eebbehooda.
Nolosha Sayid Ciise ayaa aad noogu cadeyneysa inuu runtii yahay Badbaadiyihii u balan qaaday inuu u soo diraayo addunka.
Ishacaya wuxuu u saadaaliyay inay gabar bikra ah uureysaneyso, wiilna dhali doonto.
Wayna noqotay. Illaah awoodiisa iyo kelmeddiisa,
Ruuxa Daahirka ah ayaa Maryan oo bikra ah ku haraaysmay wayna uuroowday.
Masiixuna sidaas ayuu ku dhashay.
Siday Qoraaladdu u sheegeen, dhalashadiisa waxay mucjiso sumad ah u noqotay Eebbe,
inuu wiilkaan yahay Masiixa, oo Eebbeheyna ugu magacabay "Wiilkeyga", haddana u dhow Eebbe xaggiisa.
Dadku markay Sayid Ciise arkeen, waxaa kalooy arkeen Eebbe awoodiisa iyo maamulkiisa.
Isagoo haddana u balan qaaday ummaddiisa rumeysa inuu boqortooyadiisa daa’inka ah kula waari doono.
Sayid Ciise wuxuu noloshiisa u hibeeyay silica ummadda oo dhan darteed.
Kaddibna wuu soo sara kacay. Runtii taas waxay cadaasay inuu ka guuleystay geeridda.
Duubanaha Ciise Masiix wuxuu yiri, "Waxaan leeyahay awood nolosheeyda aan ku hibeeyo, kulana soo sara kaco."
"Nolosha Ciise Masiix waxay ku rumowday sidii Nabiyaalkii hore u saadaaliyeen.
Waxay cadeysay inay run tahay ereyga Eebbe, oo waxba lagama bedelin,
siday nabiyaalkii hore u cadeeyeen "Rabbiyoow, ereygaagu waa dhab, oo waa daa’im."
Sayid Ciise wuxuu yiri, "Cirka iyo dhulkuba way dhammaan doonaan, laakiin eregkeygu ma dhammaan doono."
Eebbe markuu dhulka uumay Aadan iyo Xaawo si ay ula noolaadaan uguna rey-reyaan Eebbehooda.
Laakiin, iyagu way caasiyeen amarkii Eebbehooda. Ceebtaas darteed ayay Eebbehooda xiriirkoodi ku kala go’ay.
Qoraaladdu waxay cadeyaan inuu bini’aadanka oo dhan dembaaban oo abaalkoodu yahay dhimasho.
Dembiiliyaashuna xiriir lama lahaa Eebbeha quduuska ah.
"Laankinse, sida Eebbe ugu keenay wan kuna bedelay wiilkii Nebi Ibraahin,
inagana Eebbe Duubanaha Ciise Masiix wuxuu inoogu soo diray inuu dembigeena loo hibeeyo, uuna dhinto bedelkeeni.
Noloshiisa, dhimashaddiisa, iyo sara kacadiisa, waxay dib usoo celinaysa xiriirkii u dhaxeeyay Eebbe iyo ummaddii rumeysa."
Sidaas awgeed, kuwa Ciise Masiix xertiisa noqoda,
waxay ka badbaadayaan ciqaabta naarta daa’inka ah, Eebbehoodna kula waarayaan jannadda.
Sayid Ciise xertiisa wuxuu ku yiri,
"Daraadeey quruumaha oo dhan ugu naadiya farinta wanaagsan inuu Eebbe u dembi dhaafaayo
kuwa dembigooda ka towbada keeno oo aniga I rumeeyo."
si u u tuso jidka toosan uuna siiyo awood ay ugu dhaqmaan jidka Eebbe.
Markay naagti dembileeyda ahayd noqotay xerta Sayid Ciise Masiixi, wuxuu ku yiri,
"Dembigaagu waa laga cafiyay, waana laga badbaadiyay, waayo anigaad igu kalsoon tahay"
Waliba Sayid Ciise wuxuu kaloo yiri, haddii ay dadku Eebbe aad u jeclaadaan, waxay cadeyneysaa in dembigooda la cafinaayo’
Markuu dembiluhu iskutallabta saarna, oona awooda darida haysay, Sayid Ciise wuxuu ku yiri, "Manta jannadda ayaad ila joogi doontaa."
Kuwa ogolada inay xertiisa noqdaan waxay xiriirkooda ku bilaabayaan sida ducada taan…
Sayid Ciise Masiix wuxuu kaloo xertiisa u balan qaaday inuu u soo diraayo Ruuxa Quduuska ah,
Eebbeha naxariista badnayoow. Adigaa quduus ah, wax walbana adigaa ka sareeya.
Anigu waan ka xumahay amarkaagan diiday, waana kugu dembaabay.
Waad ku mahadsantahay inaad Sayid Ciise isoo dirto
kuna dhinto iskutallabta daradeey, kaddibna u dib u soo sara kaco.
Waxaan ku mahdinayaa silica iyo ciqaabta u maray aniga dembiiyadeeda daradood.
Waxaan dooneeya inaan noqodo Sayid Ciise xertiisa, isaguna noqoto Badbaadiyaheyga iyo Rabbigeygaba.
Waxaan ku mahadinayaa sidaad I cafisay oo boqortoyaadaada da’inka ah igu dartay.
Waxaan kaa baryeyaa inaad Ruuxa Quduuska ah ii hibeeyso, oo aad jidka xernimadaada I tusto.
Ruuxa Quduuska ah, ha I siiyo awood u qalbigeygu kugu jeclaado, oo an ku noolaado noolol aad raali ka tahay.
oo ummaddaha oo dhan, ku amaanaan meel kasta dunida ay joogan. Aamiin!
Sayid Ciise xertiisa wuxuu u sheegay, "Idhahayga codkeygay maqlaan. Anna waan afaana iyaguna way I soo raacaan."
Sayid Ciise Masiix xertiisa way kulmaan, maalin kastana way la hadlaan,
waxayna bartaan Qoraalada Eebbaha, waxay ku dhaqamaan jidkii Sayid Ciise,
waxayna u naadiyaan farrinta wanaagsan kuwa kale.
Sayid Ciise Masiix wuxuu xertiisa ku haga, kuna dhirigeliyaa jidka toosan kuna hibeeya awoodda Ruuxa Quduuska ah.
"Waxay maankooda ku haayaan murtidii Duubanaha Sayid Ciise Masiix,
xertiisuna wuxuu balan qaaday markuu daruurta sare ugu kacay isagoo leh,
"Eebbeheey wuxuu ii siiyay awood buuxda, ta jannada iyo dhulkaba lagu maamulo.
Xusuusnaada markaste waan idiinla jooga, illaa ay adduunyaddu ka dhamaaneyso."